Reflecting on 2019: My Personal Year in Review


2019-ka waxa uu ii ahaa sanad aan wax badan oo yoolashayda kamid ah xaqiijiyay. Horaantii sanadkan waxa aan ka qalin-jebiyay jaamacada Western Cape ee ku taala Cape Town taas oo aan sanadihii 2017 iyo 2018 ka diyaarinayay darajada Honours. Alle ayaa mahad leh oo iigu deeqay xoogii iyo caafimaadkii aan ku xaqiijiyay yoolkaas. Waxa aan sidoo kale mahadcelin balaaran u dirayaa qoyskayga oo marwalba ila garab taagnaa taageero dhan waliba ah, sidoo kale mahadsanidiin asxaabta qiimaha leh ee ila wadaagtay fariimo iyo hadiyado qurux badan.

Waxaa sidoo kale ii bilowday safar dheer isla bilowgii sanadkan ee aan u galay ka guul gaarida darajada Master-ka ee culuumta Horumarinada (Development Studies). Si nabad leh ayuuna iigu soo gaba-gaboobay dhamaadkii sanadkan.

Waxaa intaas dheer, sanadkan gudihiisa waxa aan si mutadawacnimo ah ula shaqeeyay ururka Somali Association of South Africa (SASA) kaas oo aan ka qabanayay shaqooyin ay kamid tahay caawinta bulshada Soomaaliyeed xaga aqoonta, tababarada, kumbiyuutarka iyo u tarjumida hooyooyinka Soomaaliyeed goobaha caafimaadka.

Waxa aan sidoo kale si gaar ah ula shaqeynayay ururka ka shaqeeya horumarinta SDGs252. Halkaan waxa aad ka aqrisan kartaa maqaalada aan ku daabacay page-kaas.
Waqtiyada aan firaaqada lahaa waxaa ii qabsoomay qorshooyin badan ee aan dagsaday horaantii sanadka, ayna kamid tahay barashada xirfada gaari wadista, daalacashada tafsiirka Qur’aanka, aqrinta buugaag kala duwan, daawashada filimaanta, iyo booqashada goobo cusub.

Buugaagta aan aqriyay sanadkan markii laga tago kuwa daraasada waxaa ugu muhiimsan.
1. Things fall apart by Chinua Achebe
2. Outliers by Malcolm Gladwell
3. Zero to One by Peter Theil & Blake Maters
4. Kicking away the Ladder by Ha-Joon Chang
5. A Brief History of humankind by Yuval Noah
6. Things you can see only when you slow down by Haemin Sunim
7. How to Become a Game-changing Online Influencer
8. A Feminist Manifesto in Fifteen Suggestions by Chimamanda Ngozi

Sidoo kale, waxaan safaro ku gaaray magaalooyin ay kamid yihiin:
1. Johannesburg
2. Pretoria
3. George
4. East London
5. Port Elizebeth
6. Durban iyo
7. Goobo badan oo Cape Town kamid ah.

Ugu dambeyn, filimaanta aan daawaday sanadkan waxa ay iskugu jiraan kuwa xaqiiqda nolasha ku saleysan, dhacdooyin taariikhi ah iyo kuwa kale oo maskax kobac leh waxaana ka xusi karaa:-

(1) Prison Break: Five seasons (2) Money Heist: Three seasons (3) The Pursuit of Happiness (4) Gifted hands (5) White House Down (6)  London has fallen (7)  Angel has fallen (8) Nelson Mandela Movie (9) The Boy who Harnessed the Wind (10) Beasts of No Nation (11) Hotel Rwanda (12) Hotel Mumbai (13) Patriots Day (14) Zero Dark Thirty (15) Eye in the Sky (16) Saint Judy (17) Secret Obsession (18) Rush Hour (19) Rat Race (20) Spiderman: Far from Home (21) Fast and Furious: Hobby and Show (22) Mechanic: Resurrection (23) Chocolate (24) Ford Vs Ferrari (25) Somalia: The Forgotten Story Documentary (26) China's Economic Miracle (27) Inside Bill’s Brain: Documentary Series (28) Lion of the Desert.

"Marnaba ha sugin sanad in uu kuu noqdo kii ugu wanaagsanaa, balse noqo qofkii ugu wanaagsanaa ee sanadkaas. Inaga ayaa is badelno marwalba ee sanadku waa tirooyin la tiriyo oo kaliya" Axmed Macsaraawi.

Allah naga yeelo dhamaanteen kuwa cumrigooda kordha camalkooduna wanaagsanaada. Amiin!

Comments